gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

GABAYGII 'TOL COLLOOBAY' QAYBTII 2AAD

Maxamed Hiirad Xirsi


Gabayadan qaybtoodii saddexaad waa dhantahay  hase ahaatee weli ma daabicin, waxaana ku jira magacyo badan, taas oo aan horay la iigu aqoon inaan cid magacaabo. Cayn leydan ciddii ka soo qayb geleysaana waa u furantahay.  Iminkana waxaan bilaabi doonaa qaybtii afraad.

 


Nin cimriyey cuntadu waa u kawl, carrabka qooyaaye
Cayil kama sugaayiyo inuu, caalyo bixiyaaye
Waa dardaaran weedhuu cabiro, aan cayaar geline
Anna caajis baan ahay duqnimo, da’ iyo caalwaaye
Cadceed gaadhay baan ahay cilcilow, casar gadaalkiise
Ciirciirka socodkayga iyo, caga ka daalkayga
Araggaa carceerada indhaha, caadku iga fuulay
Dhegahaa cafuufmaye cakiran, maqal culayskayga
Ciradaa camimay guudka iyo, madax caddaantayda
Waa digniin carshiga iiga timid, caadil soo diraye
Ruuxdaba ciyoon buu la tegi, malag carowshaaye
Camal suuban baa igu habboon, caabudaad qudhahe

Hayeeshee adduunyadan cifriid, calan wadhlaynaayo
Oo dowlad loo cararo jirin, ciidan ku ilaasha
Oo meel la ciirsado lahayn, cabasho loo jeedsho
Caamiyo ha joogeen kuwaa, aan caqli lahayne
Haddii culimo diin sheegataa, dhiigga ku cillaantay
Casar weerar joogta ah haddii, caado laga yeeshay
Oo caasimaddi reer naga mulkiyey, cidhifki aan niillay
Oo nabaddii ceel dheer ku riday, caga juglayntooda
Oo cayda ay nagu hayaan, caalamku ogaaday
Haddaan cidiba ay noo tudhayn, cidhib tir mooyaane
Cashiirada dhow nebiga la faray, sii callimitoode
Aniguna ciyaalkayga iyo, kii cid ila sheegta
Inta aan carrada laygu rogin, waa xaq caadiyahe
Inkastoo codkaygaba qalbiga, ka ceshadaan duulku
Carin iyo canaan waan ku wadi, aan cargaagtamo e

Canlabeeb ma fiicniyo inaad, laba codlaysaaye
Tolkay ceebta  maanta ah ma arag, curaddadoodiiye
Rag cadaab ka dooraa la yidhi, ciil hadduu qabo e
Kulaan ciidan gaaliyo Axmaar, ciidda wada keenno
Ama aan cirrooliyo caruur, wada colaad qaadno
Show inaan cadaawaha na dili, cudud tusnaa maaha
Show inaan cayaartay wadaan, la cammiraa maaha
Innagaan cilmiga Eebbaheen, camal falkii daynin
Caddan iyo madow kaan sharciga, nagu cisaynaynin
Show inuu ciqaab adag mutoo, caga dhigtaa maaha

Cunsur kalana waa eray caqligu, u cudur daarayo
Walaalkaa ku caasiyey adoo, caawimo u baahan
Amuu cuudka kuu hurin adoo, caydh la macalooshan
Ama uu col kaa daafacayn, nacab ku soo caydhshey
Oo weliba cay kuugu daro. Calanka kii haystey
Cidla’ show inaad uga duddaa,  kuu cuntami mayso

Cayn kalana waa qaar dhulkii, calaf ku soo iibshey
Raggan ciidan soo wadanayee, cadawga noo keena
Cad quudheed kuwaa qaata iyo, calaqyo loo tuuro
Kuma ciirsan caaqibo tollimo, oo cashiiro ahe
Uma curanin calan dowladnimo. Laysku caashaqaye
Waxay calaliyaan baa ku daray, lagu callaalaaye
Cadho Eebbaheen waw hurti la’, ceeb adduunka ahe


                      M.  Hiirad
 

 
Google Search
WebBuhodle.net
Muuqaalka Maanta

Gabayga SSC Dawlo uu tiriyey abwaan XINNE XIIREY JAAMAC

Debate: Universal TV on SSC


Barnaamijkii 'XOG-WARRAN' ee ka baxay UnIversal TV kuna saabsanaa weerarradii Ethiopia iyo SNM-tu ka geysteen Buhodle iyo Widhwidh